๐ Task 3: Firewall & Basic Security (UFW & SSH)
Task-kan waxaan diiradda saaray amniga aasaasiga ah ee server-ka, si aan u xakameeyo cidda geli karta iyo ports-ka furan. Waxaan bartay sida UFW loogu maamulo firewall rules (allow/deny), gaar ahaan ports-ka muhiimka ah sida SSH (22) iyo web ports (80/443). Waxaan fahmay in server ammaan ahi u baahan yahay in la furo kaliya ports-ka loo baahanyahay, lana xiro wax kasta oo kale, si loo yareeyo khatarta attacks-ka.
๐ Task 4: Disk, Storage & File Systems
Task-kan waxaan bartay sida disk-yada iyo storage-ka loo maareeyo, iyo sida file system-ku u shaqeeyo. Waxaan fahmay farqiga u dhexeeya partitions, mounts, iyo storage usage (space). Sidoo kale waxaan bartay sida loo hubiyo disk buuxsami, loo sameeyo mount points, loona fahmo habka Linux u kaydiyo files-ka (permissions + ownership). Tani waxay muhiim u tahay server aan production ahayn ama mid documents badan lagu kaydinayo.
๐ Task 5: Processes, Services & systemctl
Halkan waxaan bartay sida Linux u maamulo processes iyo services, iyo sida adeegyada loogu xakameeyo systemctl. Waxaan fahmay in service uu yahay barnaamij si joogto ah u socda (tusaale nginx, mysql), halka process uu noqon karo hawl kumeelgaar ah. Waxaan baranay sida loo start/stop/restart, loo hubiyo status, iyo sida service loogu dhigo enabled si uu auto u shido marka server-ka reboot noqdo.
๐ Task 6: Logs, Monitoring & Troubleshooting
Task-kan wuxuu iga dhigay qof si fiican u raadiya sababta cilad u dhacday. Waxaan bartay in logs-ku yihiin โxogta runta ahโ ee server-ka, oo laga helo qaladaadka services-ka, security events, iyo system warnings. Waxaan ku tababartay monitoring si aan u ogaado CPU/RAM/Disk/Network usage, kadibna aan u isticmaalo logs iyo status checks si aan u xalliyo ciladaha sida service down, permission issues, ama config errors.
๐ Task 7: Web Server Basics โ Apache & Nginx
Task-kan waxaan bartay aasaaska web servers-ka, gaar ahaan Apache iyo Nginx, iyo sida server-ka loogu diyaariyo inuu host gareeyo website/app. Waxaan fahmay doorka ports (80/443), virtual hosts/server blocks, iyo sida loo tijaabiyo in web server-ku shaqeynayo. Sidoo kale waxaan bartay fikradda reverse proxy (Nginx โ Node.js/React apps) iyo sababta Nginx loogu jecel yahay performance iyo proxy setups.
๐ Task 8: Backup, Recovery & Basic Automation
Task-kan wuxuu diiradda saaray ilaalinta xogta iyo diyaarinta qorshe soo kabasho (recovery). Waxaan bartay sida backups loo sameeyo (files, configs, databases) iyo sababta ay muhiim u yihiin marka server crash, hacking, ama qalad user uu dhaco. Sidoo kale waxaan bartay automation aasaasi ah (tusaale jadwal/cron) si backups ama tasks kale u dhacaan si joogto ahโtaasoo ka dhigaysa maamulka server-ka mid la isku halayn karo.